SFI - Swiidhishka ajaanibta loogu tala galay

SFI wuxuu u taaganyahay Swiidhishka Ajaanibta Loogu Tala Galay, wuxuuna ku siinayaa aqoon aasaasi ah oo ku aaddan swiidhishka si aad hadal ahaan iyo qoraal ahaan labadaba xiriir ugu sameyn kartid. Waxbarashadu waxay xitaa ka qeybgalaha siineysaa macluumaad ku saabsan bulshada swiidhishka. Diraasaddu waxay ka amba qaadeysaa duruufahaaga iyo khibradahaaga shakhsiga ah.

SFI - Somali

SFI-gu wuxuu ku siinayaa aqoon aasaasi ah oo xagga swiidhishka ah!

SFI wuxuu u taaganyahay Swiidhishka Ajaanibta Loogu Tala Galay, wuxuuna ku siinayaa aqoon aasaasi ah oo ku aaddan swiidhishka si aad hadal ahaan iyo qoraal ahaan labadaba xiriir ugu sameyn kartid. Waxbarashadu waxay xitaa ka qeybgalaha siineysaa macluumaad ku saabsan bulshada swiidhishka. Diraasaddu waxay ka amba qaadeysaa duruufahaaga iyo khibradahaaga shakhsiga ah. Marka aad SFI dhameysid Komvux ayaad dhigashada swiidhishka ka sii wadan kartaa ama dugsi sare haddii aad dooneysid.


Seddaxda tallaabood ee SFI-ga

Tallaabta 1 waxaa loogu tala galay dadka aan horay iskool u soo dhigan ama aan soo dhigan dugsi hoose-dhexe iyo/ama swiidhishku ku cusubyahay, una baahan in ay alifbeetada swiidhishka bartaan.

Tallaabta 2 iyo 3 waxaa loogu tala galay dadka waddankoodi ka soo dhigtay waxbarasho u dhiganta dugsi hoose-dhexe. Waxbarashada waxaa laga billaabayaa heer luqadeed oo billaw ah.


Yaa SFI dhigan kara?

Si laguugu oggolaado SFI waa in aad Swiidhan degganaataa, aad 16 sano buuxisay, aadnana aqoon u lahayn luqadda swiidhishka. Haddii aad taqaannid afka Norwey ama af-daanish ehel uma ihid inaad SFI dhigatid. Komvux-ka degmadaada ayaad ka codsaneysaa ama mid ka mid ah shirkadaha bixiya waxbarashada SFI-ga. Iyagaa dabadeed kaa sii caawinaya wixii qoraal luqadeed iyo qorshe waxbarasho ah ee laga yaabo in ay jiraan iwm.


SFI ku dhinac wado shaqo ama waxbarasho kale

In SFI la dhigto waxay sidoo kale ka dhignaan kartaa wada shaqeyn lala yeesho xafiiska shaqada halkaas oo aad fursad u heleysid in aad jawi shaqo luqadda kula tababaratid. Waxay taasi ka dhigantahay in ay dhici karto in aad suuqa shaqada gashid adigoo malaha tababar shaqo helaya. SFI waa lala dhigan karaa xitaa waxbarasho kale Swiidhan gudeheeda ama dibaddaba. Maskaxda ku hay in ay khasab tahay in aad SFI dhigatay si aad waxbarasho swiidhishka ugu dhigatid.


SU’AALO CAADI AH OO SFI KU SAABSAN:

SFI MA LACAG LA’AANBAA?

Ha, waxbarashadu waa lacag la’aan.

SFI MA LAGU QAADAN KARAA KAALMO WAXBARASHO IYO/AMA DEYN?

Maya, SFI laguma qaadan karo kaalmo waxbarasho iyo/ama deyn.

HEERKEE AAN SFI-GA KA BILLAABI KARAA?

Qiimeyn ayaa la sameynayaa, waxaana lagu geynayaa meesha kuugu habboon.

SHAQO AMA TABABAR SHAQO MA LAGU DHINAC WADAN KARAA IYADOO SFI LA DHIGANAYO?

Haa, wey jirtaa fursad ku aaddan tababar shaqo ama waxbarasho leesku siinayo goob shaqo inta aad wax dhiganeysid. Xitaa waa lala wadan kartaa shaqo ama waxbarasho kale. Hage xagga waxbarashada ah kala hadal iskoolka si aad u heshid macluumaad dheeraad ah.

Gå till den här sidan på svenska


Annonser